Gudoomiye C/risaaq Khaliif oo Ka Hadlay Dacwadda Xil Ka Qaadistiisa

0

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa si kulul kaga hadlay dacwada xil ka qaadista ah ee xukuumadu ka gudbisay.

Waxa uu sheegay in dacwad aan qiimo sharci lahayn,islamarkaana dacwadda ay tahay mid sharciga baal marsan oo aan mudnayn in laga jawaabo.

“Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare wax qiime Sharci ah ma laha waxaanu baal marsan yahay dastuurka dalka iyo dhamaan xeerarka dhaqangalka ah mana mudna inaan ka jawaabo” ayaa lagu yidhi qoraal uu Khaliif ku baahiyay bartiisa Facebook.

“Waana arin jawaabteedu u taalo guud ahaan Golaha Baarlamaanka ee awoodahooda Iyo xasaanadooda lagu xadgudbay” ayuu yidhi Khaliif.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here