Dowladda Qatar ayaa marti galisay shirkii saddexaad ee kooxda loo yaqaan quint group-ka ee arrimaha Soomaaliya, kaasoo ay ka soo qeyb galeen wakiilo ka kala socday wadamada Imaaraadka Carabta (UAE), Mareykanka, Jamhuuriyadda Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Lolwah bint Rashid Al Khater, oo madax ka ahayd wafdiga Dowladda Qatar ee kulanka, iyadoo uu ka qeyb galay Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka Dr. Mutlaq bin Majed Al Qahtaani.
Wafdiga ka socday Imaaraadka Carabta ayaa waxaa hogaaminayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, Wafdiga Mareykanka waxaa hogaaminayay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Xafiiska Arrimaha Afrika Molly Catherine, Wafdiga Turkiga waxaa hoggaaminayay Agaasimaha Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Elif Comoglu. Ergeyga Gaarka ah ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Geeska Afrika iyo Badda Cas Sarah Montgomery ayaa hoggaaminaysa wafdiga UK, waxaana sidoo kale hoggaaminayey wafdiga ka socday Soomaaliya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Cumar.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya ka jirta, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo bini’aadantinimada, siyaabaha lagu heli karo xasilooni ka dhalata gayiga Soomaaliyeed iyo waxyaabaha mudnaanta leh iyo xoojinta isku xirka wadajirka ah, iyo hindise kor loogu qaadayo kalsoonida lagu dhisayo xasiloonida Soomaaliya oo ay ka mid yihiin hababka ugu wanaagsan. si wax looga qabto xaaladda uu dalku marayo.

