Farmaajo oo Soo Dhaweeyay Doorashooyinka Golayaasha Degmooyinka Puntland

0
NEW YORK, NEW YORK - SEPTEMBER 23: President of Somalia Mohamed Abdullahi Mohamed speaks onstage during the 2019 Concordia Annual Summit - Day 1 at Grand Hyatt New York on September 23, 2019 in New York City. (Photo by Riccardo Savi/Getty Images for Concordia Summit)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrimaha Doorashooyinka golayaasha degmooyinka Puntland oo lagu wado iney bilowdaan 25-ka bishan.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay in ay hamuun weyn u qabaan in ay doortaan madaxdooda oo ay tahay, arrintaas oo horey dawladdiisii dadaal ugu bixisay, ayna tahay hadda in ay gaaraan dhammaan dawlad gobaleedyada ilaa Federaalka Soomaaliya.

“Ugu horreyn waxaan reer Puntland, bulsho iyo maamulba, ku bogaadinayaa sida ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka ee dadku ay codkooda ku dooranayaan hoggaanka deegaannadooda” ayuu yiri Farmaajo

“Hannaankan doorashada tooska ah in ay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecel nahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Hadalka Madaxweyne Hore Farmajo ayaa yimid saacado kadib markii xal laga gaaray murankii doorashada golayaasha oo gacan ka hadal uu ka dhashay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here