Dowladda oo sheegtay in Howlgal Ku Dishay Madaxii Arrimaha Dibadda Shabaab

0

Mid ka mid ah saraakiisha Al-shabaab ayaa lagu dhaawacay hawlgal wadajir ah oo ay fuliyeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah.

Horjoogaha la dhaawacay waxaa lagu magacaabaa Cusmaan Maxamed Cabdi, wuxuuna Al-shabaab u qaabilsan yahay arrimaha dibadda.

Hawlgalku waxa uu ka dhacay degmada Jilib oo Gobalka Jubbada Dhexe, waxaana lagu beegsaday Guri uu isku qarinayay.

Sarkaalka ayay dowladda sheegtay in uu yahay denbiile mas’uul ka ah in uu dalka soo galiyo shabaabka ajaanibta ah, sidaas si la mid ah wuxuu fududeeyaa kala gudbinta fikradaha Al-shabaab.

“Dawladda Federaalka Soomaaliyeed waxa ka go’an in cadaaladda la marsiiyo danbiilayaasha Al-shabaab ah ee doortay in ay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed”, ayaa lagu yiri qoraalka Dowladda.

Beegsiga Madaxda Al-shabaab waa fariin ku socota guud ahaan shabaab taas oo ah in aanay Soomaaliya ku heli doonin gabbaad ay ku dhuuntaan isla markaana si joogto ah ay u daba socdaan Ciidamada Amnigu si cadaaladda loo marsiiyo, ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Dowladda Soomaaliya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here