Akhriso;-Puntland oo Soo Dhaweysay Hadalka Madaxweyne Hore Farmaajo

0

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland C/rashiid Yuusuf Jibriil ayaa bogaadiyey Talaabada Madaxweynihii 9-aad ee dawladda Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ku hambalyeey doorashooyinka degmooyinka Puntland, ee loo madlan yahay 25-ka bisha May.

“Mudane Madaxweyne Guulayso adiguna markale” Ayuu yiri Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland C/rashiid Yuusuf Jibriil.

“Wuu ku mahadsan yahay bogaadinta iyo hambalayada uu shacabka iyo Dawladda Puntland hawada usoo mariyey Madaxweynihii hore ee Soomaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo , waxaan lee yahay Madaxweyne Waan kugu bogaadinaynaa inaad taageertay barnaamijka Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyada ka hanaqaaday Puntland , Mahadsanid Mudane Madaxweyne guulayso adiguna markale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here