Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay iyadoo la kaashanayo saaxiibadda Caalamiga ah in in duqeyn lala eegsadya Saldhig dagaalyahanadda Al-shabaab ay ku leeyihiin Degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe,islamarkaana ah saldhiga ugu weyn ee Al-shabaab.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkan lagu bartilmaameedsaday goobo gaar ah khasaarana uu ka dhashay.
“Weerarka oo lagu beegsaday bartilmaameedyo gaar ah ayaa geestay Khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay.”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowlada Soomaaliya.
Warbaahinta dowlada ma aysan shaacin nooca howlgalka uu ahaa iyo weliba xilliga uu dhacay,balse Kaliyah waxay shaacisay in weerar uu dhacay,islamarkaana lagu beegsaday Al-shabaab.
Dhanka kale Mareykanka ayaa ka hadlay weerarka dhacay.
War saxaafadeed ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa faahfaahin kooban looga bixiyey duqeyn ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe.
AFRICOM ayaa sheegtay in weerarkan laba maalmood ka hor laga fuliyay Jilib oo ah xarunta ugu weyn ee Al-shabaab ku leedahay Koonfurta Somalia
“AFRICOM oo kaashaneysa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday weerar cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab ee Soomaaliya 20-kii Maajo, 2023,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka kasoo baxay AFRICOM.
War-saxaafadeedka laguma sheegin goobaha rasmiga ah ee duqeynta lala beegsaday balse AFRICOM waxay sheegtay inaysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay weerarkan.
Magaalada Jilib oo ka mid ah xarumaha waaweyn ee Alshabaab ayaa waxaa hore ay ciidamada Maryakanka uga fuliyeen weeraro duqeyn ah.
Weerarkaan ayaa imaanaya xili maalin kadib markii warbaahin taageerta Alshabaab ay shaaciyeen in shir ay ka soo qeybgaleen madaxda ugu sareysa Alshabaab lagu soo gabagabeeyay gobolka Jubbada Dhexe.

