DFS oo Shaacisay Magacaydda Askar Ku Geeriyootay Tababarkii Uganda

0

Dowladda Federaalka Somaaliya ayaa markii horeysay shaacisay in dhalinyaro Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Uganda ay halkaas ku geeriyoodeen.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa soo bandhigay magacyada askar Soomaaliyeed oo ku geeriyootay dalka Uganda iyagoo ku jira tababar ciidamanimo.

Maxamed Xuseen iyo Maxamed Muumin ayaa ku geeriyooday dalka Uganda xili ay ku jireen Tababar ciidanimo,wuxuuna wasiirka tacsi u direy waalidiinta iyo qarankii ay ka baxeyn.

Wasiirka oo tababar usoo xirey ciidamadda Boolis malatari ayaa la dardaarmayay ciidamada cusub ee dalkaasi tababar loogu soo xiray, kuwaasoo qeyb ka ah ciidan Boolis Milatari ee Imaaraatku qalabeeyay islamarkaana uu qarashaadkooda bixin doono.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa dhinaca kale ka digay in maandooriye ay isticmaalaan ciidamada cusub ee dowladda loosoo tababaray, maandooriyaha oo uu ku jiro xashiishka, calaqa iyo balwada guud ahaan ayuu tilmaamay iney Shabaab qarashaad ku bixinayaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here