Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay Waxa Hortaagan Doorasho Qof iyo Cod

0

Xukuumadda Federaalka ee Soomaliya ayaa ka hadashay waxa hortaagan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah si Bulshada Soomaaliyeed u doortan cidda ay doonaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha & dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Al-Shabaab ay yihiin kuwo hortaagan inay dalka ka dhacdo doorashoq of iyo cod ah.

Wasiirka ayaa arintaas u sababeeyey in ay Al-Shabaab weli heystaan degaannada qaar, iyagoo sidoo kalena ay dileen dad doorashooyinkii la soo dhaafay ka qeyb qaatay.

“Al-shabaab dhulka ay maamulaan waxaa ku nool dad maalaayiin ah oo cedeyn laha marka dadkaas in laga tago oo kuwa meelaha dowladda kaliya jooga codeyaan surtagal maheyn oo xata kuwaas ay Al-shabaab dil ugu hanjabaan dadka doonaya in ay ka qeyb galaan doorashooyinka, sida dhacdayba ay horay u dileen dad ka qeyb qaatay doorashooyinkii dadbana ee soo dhacay, dadkaas oo isugu jiray ergo iyo odayaal” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here