Taliska Danab oo Beeniyay in ay Ka Qeyb Qaateen Dagaalka Laascaanood

0

Taliska Ciidanka Danab ee Soomaaliya ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamo ka Tirsan kuwa Danab ay ka qeyb qaateen dagaalka ka socda Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool.

Taliyaha ciidamada kumaandooska ee Danab Korneel Axmed Cabdullaahi Nuur “Beeryare” ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidankooda xubno katirsan qeyb ka yihiin dagaalka u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo dadka deegaanka Laascaanood.

Qoraal uu taliyaha Danab ku baahiyay bartiisa Twitterka ayuu ku beeniyay wararka la faafiyay ee ah in ciidamada Danab ku jiraan dagaalka Laascaanood, waxa uuna beeniyay sargaal katirsanaa ciidankooda in dagaalka lagu dilay.

“Waxaa muhiim ah inaan kala caddeeyo in shakhsiga lagu sheegay warbixinnada dhawaan la daabacay ee ah Maxamed Sulaymaan, uu hore sarkaal uga soo noqday ciidammada Danab ee milateriga Soomaaliya, uuna sababo isaga u gaar ah uga tegay shaqada 2021.Waxaan xaqiijin karnaa inuusan ninkaasi wax howl ah oo rasmi ah u hayn ciidammada Danab waqtiga uu ku dhimanayay dagaalka ka socda Laascaanood” ayuu yiri Korneel Beeryare.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here