Odayaashii Ka tagay Muqdisho oo La geeyay Furumaha Dagaalka Laascaanood

0

Odayaashii dhaqanka ee ka tagay magaalada Muqdisho ayaa saakay la geeyay jiidaha hore ee dagaalka ay isku hor fadhiyaan ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidamada dadka deegaanka ee la magac baxay SSC.

Odayaasha dhaqanka ee is xil-qaamay ayaa saakay la geeyay aaga ay isku hor fadhiyaan labada ciidan, si ay usoo qiimeeyaan masaafada ay labada ciidan isku jiraan iyo sida xaalka aagaasi yahay.

Qaar kamid ah isimada gobolka Sool ayaana hor kacayay odayaasha saakay la geeyay jiida hore ee dagaalka, waxa ayna odayaasha indhahooda kuisoo arkeen xaalka magaalada Laascaanood iyo sidoo kale jiidaha hore ee dagaalka ee ciidamada isku hor fadhiyaan.

Xukuumadda Somaliland ayaa kasoo horjeeda dhexdhexaadinta Isimadan, iyagoo sabab uga dhigaysa in ay kasoo jeedaan Soomaaliya oo ay horey u sheegtay in ay ka go’oday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here