Baladweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa xalay lagu dilay Macalin Dugsi qur’aan oo si weyn loogu yaqaanay Magaaladaas.
Shiikhan oo magaciisa lagu soo gaabiyey Macalin Mowliid ayaa waxaa rasaas ku furay rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday
Falkaan ayaa ka dhacay Xaafada Xaawa-taako ee Magaalada Beledweyne.
Ma cadda sababta loo dilay Macalinkaan dhigayay dugsi qur’aanka magaaladda baladweyne ee Gobolka Hiiraan.
Dilalka qorshaysan ayaa maalmihii dambe kusoo badanayay gudaha magaaladda Baladweyne ee Gobolka hiiraan.

