Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Baarlamaanka 11aad ayaa shaaciyey jadwalka qabashada Kursiga tirsigiisu yahay HOP086 oo deegaan Doorashadiisa Tahay Maamulka Hiirshabelle.
Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in kursigan doorashadiisa laga soo wareejiyey Baladweyne sababo la xiriira dhinaca amaanka, laguna qabanayo Magaalada Muqdisho.


