Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Weerarkii lagu qaaday Guri ku yaala Degmadda C/casiis ee Magaaladda muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab weerar ku bilowday qarax ay ku ku galeyn guri ku yaala Degmadda C/casiis.
Qoraalka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay 70-kamid ahaa ciidamadda Macawiisley ee ka dagaalama Gobolka Hiiraan Hir-shabeelle,kuwaasi oo guriga lagu daweynayay.
Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegay in guriga uu ka socday kulamo loogu hadlayay howlgaladda ka socda goboladda dalka Soomaaliya ee shabaab loogu saarayo deegaano kale.
Sidoo kale shabaab waxa ay sheegeen in qorshaha weerarka lasoo diyaariyay,islamarkaana ay la socdeen dhaqdhaqaqa guriga la weeraray oo saldhig u ahaa Macawisleyda Gobolka Hiiraan ka dagaalanta.
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarka ayaa sheegtay in rag ka tirsan Shabaab ay weerareen guri dad shacab ah daganaayeen,islamarkaana lasoo gaba-gabeeyay weerarka saacado kadib.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarka ay ku dhinteen 10-qof oo shacab ahaa, 5-kalana ay ku dhaawacmeen.
Al-Shabaab ayaa kordhiyay weeraradda ay ku galayaan guryo iyo xarumo ku yaala Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kadib markii dowladda kordhisay howlgaladda ka dhanka ah Al-shabaab.

