Wasaarada Warfaafinta xukuumada federalka ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxa ay uga hadashay weerar ay Alshabaab ku qaadeen guri ku yaala degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.
War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Alshabaab ay weerareen guri ay ku sugnaayeen dad shacab ah ayna ku bilaabeen weerarkooda gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka guriga.
“Ciidamada Amniga ayaa soo afjaray weerar Al-shabaab ay ku qaadeen Guri ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah oo ku yaalla degmada Cabdicasiis.
Abaaro 3:00PM ee Galabta ayaa rag ka tirsan shabaab waxa ay soo weerareen Guri ku yaalla Degmada Cabdicasiis oo ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah.
Nafti hallige ka tirsanaa shabaab ayaa isku qarxiyay albaabka Guriga ka dibna waxaa ay shabaabkii la socotay bilaabeen in ay beegsadaan Shacabkii halkaas ku sugnaa.
Ciidamada Amniga oo aan ka fogayn goobta ayaa isla markiiiba deg deg uga hawlgalay sidii loosoo afjarilahaa duullaanka shabaab ay ku qaadeen Muwaadiniinta halkaas ku sugnayd.
Ciidamada ayaa Gurigaas iyo Guryaha ka ag dhawaa ka daad gureeyay inta badan Shacabkii halkaas ku sugnaa al-shabaab ayaa halkaas ku dilay 10-qof oo ahaa muwaadiniin aan waxba galabsan waxaana dhaawacyo soo gaareen seddex kale.
Ciidamada ayaa toogtay Afar shabaab ah oo ahaa kuwii weerarka soo qaaday Intii uu socday hawlgalku ayay dhaawacyo soo gaareen afar ka mid ah Ciidamada Qaranka ee ku jiray hawlgalka badbaadinta ah.
Weerarkaan ay shabaab ku qaadday guryaha Dadka Shacabka ah ayaa muujinaya xaaladda quusta ah ee shabaab ku suganyihiin iyo Heerka uu gaaray beegsiga tooska ah ee ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.
Talaabada shabaab waa mid muujinaysa sida ay ugu bareerayaan beegsiga Shacabka Soomaaliyeed, taas oo dhamaanteen nagu waajibinaysa in aan sii labanlaabno dedaalka lagu suulinayo Cadawga shabaab.
Dawladdu waxa ay tacsi udiraysaa ehelada Muwaadiniintii ay shabaab beegsatay ee Shuhadada ah waxeeyna caafimaad deg deg ah alle uga baryayasaa muwaadiniinta shaawacyadu soo gaareen.

