In ka badan 80 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Daraawiishta Galmudug, Geesiyaasha Deegaanka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen deegaanka Shabeeloow oo u dhaxeeya magaalooyinka Qaycad iyo Bacaadwayne ee gobalka Mudug.
Howlgalkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii Ciidanka isgarabsanaya ay weerar qorshaysan ku qaadeen fariisin wayn oo Shabaab ay ku lahayd deegaanka Shabeelow, waxaana howlgalkaan uu socday in ka badan 10-saacadood.
Ciidanka oo si buuxda ula wareegay deegaanka lagu dagaalamay ayaa sidoo kale nolosha ku qabtay xubno ka tirsan shabaab kuwaasi oo qaarkood ay qabaan dhaawacyo.
Dhanka kale waxaa jira shabaab gaaraya ilaa iyo 14 kuwaas oo ay qaldeen saraakiisha Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Qaranka ee ku sugan gobalka Mudug.
Dowladda oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamiga ah waxaa ka go’an ciribtirka Shabaab, waxaana Dowladdu mar kale uga mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka doorkooda dagaalka ka dhanka ah shabaab.

