Waxaa Magaaladda Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir sannadeedkii 5aad ee Xeer Ilaalinta Qaranka oo ay kasoo qayb galeen xafiisyada Xeer Ilaalinta heer Federaal iyo Dawlad Goboleed.
Shirka, oo intii uu socday, looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada adeegyada xafiiska Xeer Ilaalinta iyo guud ahaan kan hay’adaha caddaalada, ayaa kusoo idlaaday miradhal iyo isfahan.




