Weerar ku billowday Qaraxyo culus ayaa Kooxo hubeysan waxay ku qaadeen guri ku yaalla Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho.
Guriga la weeraray ayaa sida la sheegay waxaa ku sugan in ka badan 10 ka mid ah ciidamada dadka degaanka ee loo yaqaan Macawisley.
Ciidamadan ayaa ku soo dhaawacmay dagaalladii dhowaan Al Shabaab lagula galay Gobolka Hiiraan.
Rasaas xoogan ayaa ka socota gurigan kaabiga ku haya dhismaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Degmada Cabdicasiis.
Dhismaha la weeraray ayaa sidoo kale wararku sheegayaan inuu degenaa sarkaal sare oo ka tirsana ciidamada dowlada.
Wararka qaar ayaa sheegaya in meydad iyo dhaawac ah laga soo saaray guriga, halka ay weli xaniban yihiin dad kale oo aan la ogeyn nolol iyo geeri waxa ay ku sugan yihiin.
Ciidamada amaanka DF ayaa xiray dhamaan jidadka soo gala gurigaas, waxayna ku guuleysteen in lasoo badbaadiyo dadka ku xaniban dhismaha, isla markaana lagu soo afjarao weerarka.

