Maxkamadda CQS Dil ku Fulisay Askarigii Dilay Ganacsade Aabarimo,iyo Askari Kale

0

Maxkamadda CQS ayaa saakay xukuno dil ah ku fulisay laba askari oo ka Tirsanaa Dowladda Soomaaliya oo maalin gudaheeda wada dilay wade mooto bajaaj iyo nin iibinayay alaabaha ciyaalka ay ku ciyaaraan ee loo yaqaano (Jukaatalo).

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa 15-kii bishii hore xukun dil toogasho ah ku xukuntay Dable Dowladda Hoose Qaasim Ducaale Cabdi, kaasoo Magaalada Muqdisho ku dilay ganacsade lagu magacaabi jiray Abuukar Maxamed Sheekh Nuuraani (Aabarimo).

Askarigan ayaa lagu helay inuu Suuqa Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir shan kun oo shilling Somali ugu dilay ganacsadaha, oo si weyn looga garanayay degmadaasi.

Askariga oo ka tirsanaa Waaxda Canshuuraha ee Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ku andacooday in si aan ku talagal ahayn ay kaga fakatay xabadda, ka dib markii uu sheegay in ay ganacsadaha is qabsadeen,balse qorshaha ugu jirin in uu dilo.

Goobjoogeyaashii la horkeenay maxkamadda ayaa askarigaasi ku markhaati furay in uu si bareer ah u dilay marxuum Aabarimo.

Saakay ayaa xukunkii dilka ahaa lagu fuliyay Qaasim Ducaale Cabdi,oo ka Tirsanaa Waaxda Canshuuraha ee Dowladda Hoose ee Xamar.

Dhanka kale Maxkamadda CQS ayaa isla saakay xukun dil ah ku fulisay Askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Milateriga oo dhawaan darawal Mooto Bajaaj si bareer ah ugu dilay degmada Balcad,ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Askariga xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa lagu magacaabaa Xasan Juulle Shaakir oo darawal Mooto Bajaaj oo lagu magacaabi jirey Cali Taliye Cariif,ku dilay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo markii hore baxsaday, balse waxaa gacanta kusoo dhigay ciidamadda amniga Hir-shabeelle.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa dalbatay in Xasan Juulle Shaakir oo ah Askari ka tirsan ciidanka Milateriga dowladda Soomaaliya lagu xukumo dil toogasho ah oo ah qisaastii darawalkii uu dilay oo lagu magacaabi jiray Cali Taliye Cariif.

Dilalkaan ay geysteen askarta ka tirsan ciidamadda Dowladda  Federaalka Soomaaliya ayaa argagax ka dhex abuuray bulshadda dhaxdeeda,waxaana loogu baaqay makaxmadda CQS in xukun ku rido.

Maxkamadda CQS ayaa maalmo isku xiga xukuno dil ah ku riday labadda askari oo ugu dambeyntii saakay lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa.

Maxkamadda CQS ayaa loogu fadhiyaa in ay xukuno dil ah ku rido kuna fuliso askartii ka dambeysay dilal loo geystay Wadayaal Mooto Bajaaj gudaha Magaaladda Muqdisho,gaar ahaan kii ugu dambeeyay ee ka dhacay Degmadda Holwadaag.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here