Somaliland oo Sheegtay in la Wareegtay Magaaladda Laascaanood

0

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay xaaladda Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sheegtay in ay degan tahay isla markaanna Gudoomiyaha gobalka Sool, shaqadiisa ka bilaabay xaafiiskiisa Magaaladda Laascaanod.

Taliyaha ciidanka Somaliland Nuux Ciise Taani ayaa sheegay in ay magaalada la wareegeen oo ay kooxo Argagixiso goobo-yar kaga sugan yihiin, kuwaas oo halis ku ah daganaanshaha Geeska Africa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa khamiistii sheegay in ciidamadiisu magaalada ku jirin oo ay banaanka uga maqan yihiin, ayna diyaar u yihiin in ay xabadjoojinta hirgaliyaan.

Duqeymihii ugu badnaa khamiistii socday ayaa soo gaaray fiidnimadii jimcihii, in ka badan 10 qof oo ay ku jiraan adeegyaasha caafimaadka ayaa waxyeelo soo gaartay, taas oo ka hor imaaaysa xeerarka dagaalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here