War saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in ka badan 50 dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab lagu dilay howlgal qorshaysan oo ciidanka xoogga, kuwa Nabad Sugidda oo gacan ka helaya kuwa caalami ah ka fuliyeen gobolka Hiiraan.
Howlgalkan oo socday saacado badan oo xiriir ah ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Afcad ee gobalka Hiiraan, waxa ayna dowladda sheegtay in howlgalkan guul kusoo dhammaaday jab xooggana lagu gaarsiiyay Al Shabaab.
Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in howlgaladii ugu dambeeyay ee laga fuliyay Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland lagu laayay in ka badan 300 xubnood oo katirsan Al Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal ay ka mid yihiin:-


