Warar kala duwan ayaa laga helayaa dil xalay xiligii cishihii ka dhacay magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Falka dilka ay fuliyeen dhalinyaro bastooladdo ku hubeysnaa ayaa ka dhacay Xaafadda Lafweyn Degmadda yaaqshid ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogtay nin odey ahaa oo si weyn loogu yaqaanay Degmadda Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.
Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Daahir Maxamuud Cusoble (Daahir Sanweyne) oo kamid ah odayaasha Degmadda Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.
Ragii ka dambeeyay dilka ayaa isaga baxsaday goobta uu dilka ka dhacay,waxaana goobta laga qaaday meydka Marxuum Daahir.
Ciidamadda amaanka Maamulka Degmadda Yaaqshid oo soo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaa sameeyay howlgal aan cidna lagu soo qabanin.
Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda dilka loo geystay Ala Ha u Naxariistee Daahir Maxamuud osoble (Daahir Sanweyne).
Warar lagu baahiyay warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Daahir Maxamuud Cusoble (Daahir Sanweyne) uu ahaa odey abaabuli jirey Ciidamadda Macawiisleyda Gobolka Shabeelaha Dhexe,islamarkaana dhaqaalo ugu aruurin jirey Magaaladda muqdisho.
Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shaabab ayaa kordhiyay bishaan January ee sanadkaan 2023-ka dilalka ay ka geystaan Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Shalay sidaan oo kale waxaa Degmadda Wadajir ugu dileen odey kamid ahaa ergadii doorashada Maamulka Galmudug Xildhibaanadda Lagu soo doortay,kaasi oo lagu magacaabi jirey Muxudiin Axmed Cumar.

