Maxkamadda CQS oo Dil Ku Xukuntay Askari Dilay Afar Qofood

0

Askari ka tirsan ciidanka gaarka ah ee Duufaan ee NISA oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Maxamuud ayay maxkamadda ciidanka ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii lagu heley in uu halmar nafta dhaafiyay afar qof.

Dhacdo Muqdisho ka dhacday bishii September 2022 ayuu askariga rasaas uu furey waxaa ay haleeshey 2 haweenay oo labaduba xaamilo ahaa, xilligii dhalmadana u dhowaa, kuwaas oo aanan nafta dhulka la dhicin.

Markii qalliin lagu sameeyay oo ilmihii lasoo saaray, ayay ilmihiina saacado gudahood ku dhinteen, taas oo tirade dadka uu diley ka dhigtay 4 qof.

Dad marqaatiyaal ah oo maxkamadda la horkeenay ayaa qirey in askariga uu si ula kac ah falka u geystay, dilka ka horna uu ku hanjabayay in uu dadka layn doono.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here