Maamulka Hir-shabeelle ayaa mar dul dhigay Ganacsatadda deeganadda Maamulkaas ka howlgala.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda Ganacsiga maamulka Hir-shabeelle,islamarkaana la ogeysiiyay hay’adaha amaanka ayaa lagu amray in aysan ganacsatada qaban Karin wax shir ah aysan ogeyn wasaaradda, cidii isku dayda inay baalmarto awaamiirtaas waxaa laga qaadi doonaa talaabo waafaqsan sharciga
“Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle waxa ay fareysaa ganacsatada Hirshabeelle inaysan qaban karin shir aysan fasaxin Wasaaradda, cidii isku dayda inay baalmarto awaamiirtaas waxaa laga qaadi doonaa talaabo waafaqsan sharciga.


