Howlgalo Loogu Magacdaday Qof iyo Guri oo Ka Bilowday Degmooyinka Gobolka Banaadir

0

Maamuladda Degmooyinka Shangaani,Warta-nabadda iyo Xamar weyne ee Gobolka Banaadir ayaa xalay iska kaashaday howlgal loogu magacdaray qof iyo Guri oo laga sameeyay degmadda Xamar weyne ee Gobolka Banaadir.

Howlgalka waxaa si wadajir ah u fulinayay ciidamdda Hay’adda NISA,kuwa Booliska,waxaa howlgalka lagu soo qabtay dhalinyaro lagu tuhmaayo amnidaradda marar qaar ka dhacda Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale intuu howlgalka socday waxaa lagu soo qabtay 3-dhalinyaro ah oo iibinaysay waxybaaha maanka dooriya sida calaqa iyo xashiiska.

Gudoomiyaha Degmadda Xamar weyne Dahir Mohamed Ahmed Rajis ayaa warbaahinta ugu warbixiyay howlgalka iyo sida uu dhacay.

Degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa maalmihii dambe kusoo badanayay falalka amnidaradda ah ay geysanayaan dhalinyaro hubka noocyadiisa kala duwan ku hubeysan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here