Dowladda Soomaaliya oo Lagu Eedeeyay in ay Ku Fashilintay Amniga Dalka

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay weerarkii shalay lagu qaaday Xarunta Dowladda Hoose ee maamulka Gobolka Banaadir.

Siyaasi Dr Xasan Cadaay oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday xarunta Dowladda Hoose shaki badan ka jiro,islamarkaana laga yaabo in la fududeeyay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Xarunta Dowladda Hoose ee maamulka Gobolka Banaadir aysan sahlaneyn in weerar lagu qaado,madaama ay kamid tahay goobaha sida weyn loo ilaaliyo amnigeeda.

Siyaasiga ayaa ku baaqay in baaritaano lagu sameeyo sida uu u dhacay weerarka lagu qaaday xarunta Dowladda Hoose ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab ayaa shalay weerar ku qaaday Xarunta Dowladda Hoose ee maamulka Gobolka Banaadir,waxayna ka koobnaayeen lix xubnood oo markii dambe la toogtay,sida dowladda sheegtay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here