Dowladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Weerarkii  Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir

0

Maanta ayaa koox ka tirsan Shabaab   waxay soo weerareen Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir

Ciidamada amniga oo ahaa kuwa aad u feejigan ayaa goobtaas ka fuliyay hawlgal labo qaybood ah, qaybta hore oo ahayd badbaadinta masuuliyiinta iyo muwaadiniinta ku sugnayd goobta ayay ciidamadu fuliyeen sidii ay qorsheeyeen iyaga oo ku guulaystay in ay ka soo saaraan halkaas iyaga oo bad qaba.

Qaybta labaad ee hawlgalka ciidamada oo ahaa in la soo afjaro shabaab  ahaa ayay isna ciidamadu soo gabagabeeyeen iyaga oo toogtay Kooxdii ahayd oo ka koobnaa 6 dhagarqabe.

Weerarka   waxaa ku shahiiday 5 ruux oo shacab ah, afar kalena way ku dhaawacmeen.

Maleeshiyaadka Khawa ahaa ee goobta yimid ayaa ahaa kuwa lugaynaya iskuna ekaysiiyay Ciidamada Qaranka si ay halkaas usoo gaaraan.

Dowladdu waxay u tacsiyaynaysaa muwaadiniinta halkaas ku shahiiday iyada oo Allah uga baryaysa caafimaad deg deg ah kuwa dhaawacmay.

Falalkan waxashmimada ah ee ay geysanayaan shabaab waxay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed u caddeyneysaa sida ay lagama maarmaan u tahay in shabaab laga suuliyo gebi ahaanba geyiga Soomaaliyeed, iyadoo uu dalka ka socdo dagaalka looga xoreynayo shabaab.

-Dhammad-

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here