DFS oo Ka Hadashay Nin Xagjir ah oo Gubay Kitaabta Qur’aanka Kariimka.

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul kaga hadashay fal uu ku kacay nin xagjir ah oo dowladda Sweden u ogolaatay inuu safaarada Turkey horteeda ku gubo Kitaab kamid ah Qur’aanka Kariimka.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya oo ku qornaa Luuqa Ingiriiska ayaa lagu sheegay tani ka dhigan tahay xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah xurmada diimeed iyo daandaansi lagu hayo dareenka muslimiinta aduunka oo dhan.

“In la ogolaado falkan naceybka ah ee lagu aflagaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka waa gebi ahaanba wax aan la aqbali karin. Wax kale maaha ee waa dhaqan kor u qaadaya nacaybka iyo cunsuriyadda wuxuuna u adeegaa xagjirnimada iyo argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Rasmus Paludan oo ah hoggaamiyaha xisbiga Stram Kurs (Hard Line) oo ay ilaalinayaan booliska dalka  Sweden ayaa falkan ku kacay bilowgii todobaadkan,waxaana aad kaga xumaaday muslimiinta aduunyadda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here