Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerarka goordhaweyd lagu qaaday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Qoraal kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu beegsaday Xarunta Dowladda Hoose ee Maamulka Gobolka banaadir.
Sida lagu daabacay warbaahinta Al-shabaab, weerarkaan ayaa ahaa mid qorshaysan islamarkaana lagu beegsaday xarunta maamulka gobolka Banaadir oo kamid ah goobaha dowladda ugu mashquulka badan.
Al-shabaab ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkaan,iyo sida ay u fuliyeen,balse waxay si horudhac ah u sheegin in weerarka uu dhacay ayna dib kasoo gudbin doonaa faah-faahinta.

