Madasha Siyaasadda Puntland ayaa soo saartay baaq ka kooban shan (5) qodob oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee Puntland.
Madasha Siyaasadda Puntland ayaa ugu baaqday Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka (TPEC) in aysan halis amni iyo xasilooni la’aan siyaasadeed u horseedin Puntland, isla markaasna aysan baalmarin dastuurka iyo shuruucda u dagan dalka.
Sidoo kale Madasha waxay ugu baaqday xukuumadda in ay joojiso afduubka shaqadii loo idmaday TPEC, oo ay sheegeen in ay hoggaaminayaan wasiiradda, guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka.



