Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Galmudug iyo Ciidamadda Deegaanka ayaa ku guuleystay bilowgii bishaan in dagaalyahanadda Al-shabaab ay ka saaraan deegaano badan oo ka tirsan Maamulka Galmudug,sida Degmooyinka Xarardheere, Ceel-dheer, iyo Galcad oo shabaab sanado ay ku sugnaayeen.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), ayaa sheegay in Galmudug ay dhawaan soo gaba-gabeyn doonto dagaalka Al-shabaab,wuxuuna shacabka ugu baaqay in garab istaago Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Galmudug.
Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ayaa haatan ku sugan deegaano fara ku taris ah oo ka tirsan Galmudug,sida degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri oo kamid ah deegaanadda maamulka Galmudug gacanteeda ka maqan.





