Holwglka ATMIS oo Dowladda Soomaaliya Ku Wareejiyay Xiro Maslax+Sawirro

0

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya Xarunta Maslax oo kamid ah goobaha gacanta ku hayeen ATMIS,tan iyo sanadkii 2012-kii.

Xilwareejintu waxay la socotaa Fikradda Wadajirka ah ee Hawlgallada (CONOPs) iyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya – oo ay soo diyaariyeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ATMIS, UN iyo la-hawlgalayaasha horumarinta si ay u hagaan geeddi-socodka kala-guurka.

Heshiis dhuleed oo si rasmi ah loogu wareejinayay ayaa waxaa kala saxiixday Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya (SRCC) ahna Madaxa ATMIS Ambassador Mohamed El-Amine Souef iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya, C/nuur Daahir Fiidow, kaddib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga. ee caasimadda Muqdisho.

“Maanta waxay noo tahay waqti sharaf noo ah Hawlgal ahaan. Maslax waa xaruntii ugu horreysay oo ATMIS ay ku wareejiso tan iyo markii la aasaasay 1-dii April 2022, kaddib markii uu dhammaaday howshii AMISOM,” ayuu SRCC ka sheegay xafladda oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, ergo iyo wakiillo ka socday QM iyo Wadamada ciidamada ku deeqay (TCC’s).

Wareejinta rasmiga ah ayaa daba socota markii ay ka baxeen ciidamada ATMIS ee Burundi kadibna ay la wareegeen ciidamada qaranka Soomaaliya 15-kii Janaayo. Danjire Souef ayaa carabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee FOB ay ka qaadatay sugidda amniga caasimadda Muqdisho, iyo fududeynta howlgallada ciidan ee Howlgalka.

Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in xil wareejinta ay ku soo aadeyso xilli dowladda Federaalka ay xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

“Guulyo ciidan oo aad u badan ayaa la gaaray bilihii lasoo dhaafay, waxaana dooneynaa inaan sii laba jibaarno dadaallada hadda socda, waxaana ku xisaabtameynaa inaad taageertaan ciribtirka Al-shabaab,” ayuu yiri Fiidow, isagoo ku celceliyay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay geeddi-socodka KMG ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here