War Deg Deg;-Qaraxyo Lagu Weeraray Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo lagu weeraray goordhaweyd Xarunta Dowladda Hoose ee maamulka gobolka banaadir ee ku taala Degmadda Xamar Weyne.

Sida ay sheegayaan wararka, qof isku xirey waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay afafka hore ee dhismaha Xarunta Dowladda hoose ee maamulka Gobolka Banaadir,waxaana kadib la maqlay rasaas xoogan.

Jugta qaraxa koowaad ee si weyn loogu maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir,sidoo kale qarax labaad ayaa laga maqlay isla xarunta Dowladda hoose.

Haatan waxaa la maqlayaa rasaas xoogan oo ka dhacaysa xarunta Dowladda Hoose ee maamulka gobolka banaadir ee ku taala Degmadda Xamar Weyne.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay gudaha u galeyn xarunta Maamulka Gobolka Banaadir,balse cidna ma xaqiijin karto warka arintaan la xiriira.

Goobta xiliga la weerarayay ayaa la sheegay in mashquul badan uu ka jirey,waxaana inta badan ku sugan mas’uuuliyiinta Maamulka gobolka Banaadir iyo shaqaalaha Dowladda hoose.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shaqaalihii ugu badnaa ee Maamulka Gobolka Banaadir lasoo badbaadiyay,balse xili walba waxa jiri kara khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Aug 9, 2019  ayay aheyd markii qarax uu ka dhex dhacay Xarunta shirarka Maamulka Gobolka banaadir,waxaana qaraxaas ku dhintay Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Eng Yariisow, igudoomiyayaal,agaasimiyaal iyo mas’uuliyiin kale.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here