Dab geystay khasaare hantiyadeed ayaa xalay abaare 01:30 waxa uu ka kacay Gudaha Suuqa bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho.
Dabka oo ilaa haatan aan la xaqiijinin waxa sababay ayaa qabsaday qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho,gaar ahaan qeybaha lagu iibiyo Dahabka, maacuunta, harqaanlayaasha dharka lagu tolo.
Ganacsato fara badan ayaa la xaqiijyey iney ku hanti beeleen dabka xalay qabsaday Suuqa Bakaaraha inkastoo aan la ogeyn illaa hadda qiyaasta hantida ku gubatay Suuqa bakaaraha.
Dabeylo laga dareemayay maalmahaan Magaaladda Muqdisho ayaa sidoo kale sii kordhiyay dabka xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha,taasi oo keentay in uu gaaro goobo kale oo suuqa kamid ah.
Dadaalo ay sameeyeen ganacsatada Suuqa bakaaraha, Maamulka Gobolka Banaadir,iyo shirkadaha dab damiska ayaa ku guuleystay in ay damiyaan dabka ka kacay suuqa bakaaraha.
Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Gaashaanle sare Macalin Mahdi ayaa gaaray Goobta uu Dabku ka kacay ee suuqa Bakaaraha gaar ahaan Qeybta dahablaha,wuxuuna amray in amniga la xaqiijiyo ganacsatadana loo ogolaado in rartaan alaabahooda inta badbaaday.
Ilaa haatan lama oga waxa sababay dabka xalay ka kacay suuqa bakaaraha,gaar ahaan qeybaha lagu iibiyo Dahabka, maacuunta, harqaanlayaasha dharka lagu tolo.
Suuqa bakaaraha oo ah mid ugu weyn Soomaaliya ayaa sidaan oo kale waxaa ka kacay dab geystay khasaare hantiyadeed oo soo gaaray ganacsato Soomaaliyeed,wuxuuna inta badan dabka kacaa xiliyadda saqda dhexe habeenkii.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Suuqa Bakaaraha ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay xaqiijiyaan waxa sababay dabka ka kacay suuqa bakaaraha, iyo khasaaraha ka dhashay dabka.





