Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in Shabaab Dhexdooda Iskhilaafeen

0

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dagaal ka dhex qarxay Al-shabaab ee ku sugan  degmada Xarardgeere ee gobolka Mudug.

War ka Dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in dagaal xoogan uu ku dhexmaray xubno ka wada tirsan Al-shabaab nawaaxiga deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, kaasoo socday mudo ku dhaw hal saac oo xiriir ah.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii xubno ka tirsan Shabaab ay qoraheeyeen iney ka baxsadaan gacanta Al-shabaab oo ay isku soo dhiibaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Warka Dowlada ayaa lagu sheegay inay dagaalkaasi ku dhinteen 10 kamid ah xubnaha Al-Shabaab.

Sidoo kale warka ayaa lagu sheegay in la xirxiray qaar kamid ah xubnaha Al-Shabaab ee wada dagaalamay, islamarkaana amaro cusub lagu soo rogay dhamaan xubnaha kale ee ku sugan degmada Xarardheere iyo nawaaxigeeda.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka ay sheegtay dowladda Soomaaliya inuu ku dhexmaray nawaaxiga deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here