Banaanbaxyo Wali ka Socda Magaaladda Laascaanood,Rasaas La Maqlaayo

0

Dad shacabka ah ee Magaalada Laascaanood, ayaa Maalinkii 6-aad dhigaya Banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan Somaliland, kadib dilal ka dhacay magaaladaasi.

Dadkan ayaa dalbanaya in ciidanka Somaliland ay kabaxaan dhulkooda gobalka Sool, xili Isimadda gobalka ay ku dhawaaqeen in maamulkaas uga baxo dhulkooda.

Rasaas ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada, iyadoo ay Dhalinyarada banaanbaxaya awodooda iskugu geynayaan in dareenkooda ay muujiyaan, kana hortagaan damaca Somaliland.

Somaliland ayaa amartay in lajaro xariirka Isgaarsiinta, gaar ahaana khadka Internet-ka, si aan loo tabin dhacdooyinka magaalada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here