Madaxwaynaha Puntland ayaa xalay shir degdeg ah la yeeshay wasiirada Dhabancad, Juxa
iyo saraakiil ciidan ay ku jiraan taliyaha daraawiishta iyo Morgan.
Kulankan ayaa, sidda ay xoguhu tilmaamayaan, waxa uu yimid kadib markii Saciid Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash ay isku fahmi waayeen qaabka loo wajahayo xaalada Laascaanood.
Wararka laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa intaas ku daraya banaanka magaalada Garowe ay u baxeen Xildhibaano iyo saraakiil ciidan lagana yaabo in uu Karaash ku biiro Axada maanta ah.
Xildhibaanada gobolada Sool iyo Sanaag ayaa wararku sheegayan iney qoreen mooshin ay ku dalbadeen inbaarlamaanka Puntland kulan degdeg ah isugu yimaadaan.
Dhanka kale, Karaash, ayaa ka baxay caasimadda Garowe ka gadaal markii ay madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni isku-maan-dhaafeen qaabka loo wajahayo qadiyada Laascaanood.
Deni ayaa qorshihiisu yahay in uu tago magaaladda Boosaaso halkaasoo uu doonayo in uu si qasab ah uga hirgeliyo diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka tooska ah ee lagu muransan yahay.

