Fargeeti:-“Dowladda iyada ayaa qeyb ka ah dagaalka Baydhabo”,!

0

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti oo ka hadlay dagaalka saaka ka qarxay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Maxamed Aadan Fargeeti iyo mas’uuliyiin kale oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Muqdisho ayaa shaaciyay in ciidamada weerarka kusoo qaaday guriga uu ka degan yahay Baydhaba aysan aheyn kaliya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, balse ay qeyb ka ahaayeen kuwa Booliska Federaalka, NISA iyo ciidanka Xoogga SNA.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay indhaha ka fiirsanayso waxa ka socda Magaaladda Baydhabo,islamarkaana ciidamadeeda ay qeyb yihiin dagaalka saakay ka dhacay Magaaladda Baydhabo.

Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Lafta gareen uusan dagaal u horseedin shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya,islamarkaana uu doorashadda qabto.

Fargeeti oo kamid ah mucaaradka diidan muddo kororsiga Lafta-gareen ayaa wax kulahaa abaabulka ciidamada Badbaadada ee dhawaan looga dhawaaqay maamulkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here