Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cadeysay mowaifkeeda dagaalkii saaka ka qarxay magaalada Baydhabo, kaasoo u dhexeeyay ciidan diidan mudo kororsiga Lafta-gareen iyo kuwa maamulka Koofur Galbeed.
Qoraal taxadar dheeri ah ka muuqday oo dowladda ay soo saartay ayaa wadahadal loogu baaqay dhinacyada dagaalantay, iyadoo ka digtay in dhiig lagu daadiyo magaalada Baydhabo.
“Dowladda federaalka waxay ku boorineysaa dhamaan qeybaha siyaasadda inay miiska wada-hadalka ku xaliyaan kala aragti duwanaanshahooda, islamarkaana ay ka fogaadaan in dhiig la daadiyo,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Magaaladda Baydhabo waxaa saakay ku dagaalamay Ciidan daacad u ah Wasiirkii Maaliyada Soomaaliya Farageeti iyo ciidanka maamulka uu hoggaamiyo Lafta-gareen, dagaalkan ayaa kusoo aaday xili mudo yar ay ka harsan tahay waqtigii loo balamay in Baydhabo lagu qabto shirka dib u heshiisiinta siyaasiyiinta Koofur Galbeed.

