Dagaal Ka Dhacay Magaaladda Baydhabo, Koonfur galbeed oo ka Hadashay

0

Dagaal ayaa saaka ka dhacay bariga Magaalada Baydhabo, ka dib markii ciidamada amniga ay weerareen guriga mid kamida siyaasiyiinta deegaanka, balse haatan ku sugan Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa xilligii Salaadda Subax kadib weeraray hoyga Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), oo ku yaala dhabarka dambe ee Isgoyska Samafone, iyadoona uu dagaalku ku fiday dhanka Dr. Ayuub Stadium iyo xaafadaha kale ee ku dhow dhow.

Inta la xaqiijiyay waxaa falkaan ku dhintay haweeney iyo gabadheda oo ku sugnaa guriga la weeraray,waxaa sidoo kale jira khasaare soo kala gaaray dhinacyadda dagaalamay ee ciidamadda koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa Badbaada Koonfur Galbeed Soomaliya.

Wasaaradda Amniga Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadashay dagaalka ayaa sheegtay in la soo weeraray Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed oo ku guda jira Shaqooyinkooda caadiga ah.

Koonfur Galbeed waxaa muddooyinkanba ka taagnaa xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay muddo kordhintii uu dhawaan Baarlamaanka Koonfur Galbeed u sameeyay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo muddo xileedkiisu ku ekaa 19-kii bishan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here