Diyaarad siday ciidankii Eritrea lagu soo tababaray sanadihii dambe ayaa maanta kasoo dagatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho.
Askartaan oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 400 askari, ayaa waxa horudhac u yihiin soo celinta dhamaan ciidamadda maqan, oo tababarka sanado ka hor loogu qaaday Eritrea.
Madax ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay iney soo dhaweeyeen askartan oo sanadihii la soo dhaafay tababar ugu maqnaa wadanka Eritrea.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa shaaciyay in ciidamada Soomaaliyeed ee Eritrea ku maqan ay dalka kusoo laaban doonaan dhammaadka bishaan illaa bisha January ee sannadka cusub.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhamaatay dib u dhacyadii ku imaan jiray dib usoo celinta ciidamada Soomaaliyeed ee lagu tababaray dalka Eritrea, kuwaas muddo ku dhow saddex dano ku sugan Eritrea.
Dhalinyaradda askar ahaan loogu qaaday dalka Eritrea ayaa la siyaasadeeyay xiligii doorashadda, iyadoo qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay sheegeen in dhalinyaradaas loo adeegsaday dagaaladii xiligaas ka socday Ethopia.
Madaxweyniihii Hore ee Soomaaliya Farmaajo ayaa sheegay xiligii uu xilka wareejinayay in 5,000 askari ku sugan yihiin Eritrea,islamarkaana arrimo siyaasadeed dalka loogu soo celin waayay.
12-july Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa booqasho qaadatay 3-maalin ku tagay magaaladda asmara,waxaana xiligaas lasoo bandhigay markii ugu horeysay sawiradda askarta loo qaaday dalkaas oo qeybo kala duwan isugu jirey.
Arintaas waxay rajo badan galisay waalidiinta Soomaaliyeed ee ka murugeysnaa caruurtooda ku maqan dalka Eritrea.
Qorshaha dib uu soo celinta dhalinyaradda askar ahaan loogu qaaday dalka Eritrea ayaa lagu balansanaa bilo ka hor balse arrrimo farsamo ayaa la sheegay in ay u baaqdeen,soo celintooda.

