Guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Somaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ka hadlay kiiska maalmahaan sida weyn loo hadal hayay ee ku aadan dilka wiil dhalinyaro ahaa oo lagu Dilay bilo ka hor deegaanka Macaani ee Duleedka Magaaladda muqdisho.
Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in kiiska dad dano gaar ah wata ay si kale u dhigeen,islamarkaana waddo saxan loo maray xukunkii dhawaan lagu riday nin shabaab ahaa oo lagu eedeeyay dilka Maxamed Xaashi Faarax.
Waxa uu sheegay in shabaabka la xukumay uu rasaas ku furay ciidamo ka Tirsan kuwa Taraafikadda oo xalinayay shil ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho,islamarkaana shilkaas uu ku dhaawacmay Marxuum Maxamed Xaashi Faarax,markii dambe dhintay.
Sidoo kale waxa uu sheegay in xeer ilaalinta ay xiligaas xabsiga dhigtay askari kamid ahaa kuwa Taraafikadda oo lagu tuhmaayay dilka,islamarkaana cadeymo kadib la sii daayay,madaama la ogaaday in falka uu ka dambeeyay ninka shabaab ka Tirsanaa.
Guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Somaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in ay jiraan siyaasiyiin dano gaar ah ka leh ka hadalka kiiska,isagoo sheegay in laga soo gudbay xiligii garsoorka lagala macaamilaayay siyaasiyiin iyo odayaal dhaqmeed.
Eheladda Darawal mooto bajaaj oo dhawaan lagu dilay Magaaladda Muqdisho ayaa ka hor yimid xukun ay riday Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida maalintii shalay aheyd.
Maxamed Xaashi Faarax oo dilkiis ay Maxkamadda ku eedeeysay Cabdinaasir Cismaan Nuunow islamarkaana ka Tirsan Al-shabaab.
Eheladda ayaa ku doodaya in qof dilka geystay uu ahaa askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaliya,balse maxkamadda ay xukuntay shabaab horey dambi u geystay,islamarkaana lasii daayay askariga dilka geystay markuu dhintay marxuumka.
Wasiir arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaano ka Tirsan aqalka Sare, iyo eheladda wiilka lagu eedeyay dilka ayaa si weyn todobaadkaan kaga hadlay kiiskaan,waxaana maxkamada ciidamadda qalabka sida laga dalbaday in ay dib ugu laabato kiiska.

