Ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xureynta ee ku sugan deegaanka Tareshante oo dhinaca Koonfureed magaalada Baledweyne kaga beegan qiyaastii 27 KM ayaa waxaa isku soo dhiibay sarkaal ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaaab.
Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Maxamuud Xasan Ibraahin Baakaay oo ka hadlay isa soo dhiibista sarkaalkaan Shabaabka ka midka ahaa ayaa ugu baaqay kuwa la midka ah ee wali u dagaalamaya Shabaab iney fursad heystaan oo ay isa soo dhiibi karaan.
“Waxaan ugu baaqaya kuwa wali ku taagan fikirka qaldan iney isa soo dhiibaan, waxaan u balan qaadeyna ineysan jiri doonin cid waxyeeleynaysa, waxaa hada garabkeyga midig taagan Cabdi Xasan oo go’aansaday inuu ka tanaasulo fikirkii xagjirnimada ahaa, qof walba oo fikirkiisa camal soo qaatana waa nooga sokeeyo kuwa dhuumaaleysana ee wali qoryaha wata” ayuu yiri Taliye Baakaay.

