Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa fariin u diray dadka shacabka ah ee ku sugan deegaanada shabaab gacanta ku hayaan.
Isagoo warbaahinta kula hadlayay Baladweyne ayuu sheegay iyo Hir-shabeelle iyo Dowladda ay bartilmaameedsanayaan deegaanada Ceel God iyo Ceel Boore, isagoo dadka ugu baaqay iney isaga fogaadaan goobahaasi.
Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in ujeedka shabaab uu yahay dhibaateyta dadka shacabka,halka Maamulka Hir-shabeelle iyo dowladda ay doonayaan badbaadinta dadka shacabka ah.
“Waxaan rabaa sida madaxweynaha jamhuuriyaddu ugu dhowaaqay deegaamada ay dagan yihiin nimankan shayaadiinta ah ee Al-Shabaab in laga fogaado. Dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed meel kasta oo ay nimankaa joogaan waa inay ka fogaadaan, qaasatan deegaanka Ceel God, Ceel Boore iyo meelaha la mid ah” ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte.
“Nimankaas waa nooc faris ah, waxayna rabaan inay dadka ku dhex dhuumaaleystaan, annagana waxaan rabnaa in shacabka Soomaaliyeed uu badbaado, iyagana aan burburino haddii Alle Idmo,” ayuu markale yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

