Al-Shabaab ayaa baahiyay codka mid kamid ah Darawaladda Gudoomiyihii Hore ee golaha shacabka ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan oo isku soo dhiibay.
Xildhibaan Maxamed Mursal ayaa xaqiijiyay jiritaanka warka wuxuuna tilmaamay in mudo 4 sano ah uu darawal u ahaa, isagoo ka soo raacay Wasaarada Gaashaandhigga xiligii uu Maxamed Mursal wasiirka ka ahaa.
Waxa uu sheegay in halkaas loo keenay barashadda Darawalnimadda,islamarkaana xiligaas uu kasoo raacay wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya.
“Ninkaas darawal ayuu ahaa Wasaaradda Gaashaandhigga ayuu iga soo raacay markaan guddoomiyaha Baarlamaanka noqday, wuxuuna ii ahaa darawal ila shaqeeya, ninkaas oo Xuseen ahaa 4 sanno ila shaqeynayey lama hayo sabab rasmi ah oo ninkii halkaas u aaday, laakiin waa inaan u deynyaa hay’adaha amniga” ayuu ku yiri Mursal.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in laba maalin kahor uu ku sugnaa gurigiisa, iyadoo markii la waayayna ay ku war galiyeen hay’adaha amniga sidii baadi goob iyo dabagal loogu sameyn lahaa.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in darawalka oo lagu magacaabo Xuseen Maxamuud Xasan uu soo galay raadka weerarkii kooxda Shabaab ay ku galeen hoteelka Villa Rays ee ku yaala aagga madaxtooyada, waxaana xabsiga la dhigay dad ay si dhaw isu yaqaaneen.
Sidaan oo kale Xubno la shaqeynayay Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa ku biiray Al-shabaab,kadib markii ay sheegeen in ay ku qanci waayeen habdhaqanka Dowladda Soomaaliya.

