Wiil Uu Dhalay Shiikh Xasan Daahir Aweys oo Duqeyn Lagu Dilay

0

Ibraahin Xasan daahir Aweys oo ah wiil uu dhalay Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa lagu dilay duqeyn dhinaca cirka ah oo ka dhacday deegaan ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Dr. Ibraahim ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday xili uu ku sugnaa beer uu isaga lahaa oo ku taala gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaar kamid ah Eheladiisa ayaa laga soo xigtay in Ibraahin Xasan daahir Aweys la beegsaday xili uu ku sugnaa Beertiisa,islamarkaana uusan wax xiriir ah la laheyn Al-shabaab.

Ibraahim ayaa wax ku bartay gudaha magaalada Muqdisho iyo dalka Masar, iyadoo aan la ogeyn in bartilmaameedka weerarkan uu isaga ahaa iyo iney ku khaldameen cida duqeyntaas fulisay.

Dhawaan waxaa lagu arkay baraha bulshadda isaga oo la dabaalgaya Aabihiisa Xasan Daahir Aweys,xili uu dhameeyay mid kamid ah jaamacadaha Magaaladda Muqdisho.

Dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlin duqeynta lagu dilay wiilka uu dhalay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo mudo kudhow 10 sano u xiran dowladda Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here