Laba Qarax oo Is xigxigay ayaa goordhoweyd ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ee Magaalada Baledweyne.
Qaraxaydda ayaa si gaar ah kaga dhacay Xarunta Lama-galay uu ku shaqeynayay Maamulka Gobolka hiiraan,sidoo kalana lagu qabtay Doorashadii Beledweyne ka dhacday.
Qaraxaydadda ayaa lo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Dadka ku Geeriyooday Qaraxyada Waxaa kamid ah Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Hirshabelle Sakariye Hure iyo Gudoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobalka Hiiraan Abuukar Cabdullaahi Maadeey.
khasaaro kala duwan ayay sababeen Qaraxyada Waxaa socday daad gureyn dadka dhaawacyada ay soo gaareen kuwaasi oo loo Qaaday Isbitaalada Baledweyne.






