Dowladda Soomaaliya iyo Hay,adda IMF oo Shir uga Furmay Magaalada Nairobi

0

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa  ka furmay shirka  Dowladda Soomaaliya iyo Hay,adda IMF ee hannaanka dib-u-eegista iyo horumarinta maaliyadda Dalka,

Shirka ayaa waxaa lagu lafa-gurayaa heerka siyaasadda dhaqaalaha iyo dib-u-habayntiisa Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumada Fadaraalka Soomaaliya Cilmi Maxamed Nuur ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saaray xoojinta dhaqaalaha mustaqbal ka dhaw ee dalka.

Wasiirka ayaa u mahadcelinayay dhammaan hay’adaha Dowladda ee shirka kala qeyb galay, sida Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Bangiga dhexe, Xafiisyada Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxtooyada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here