Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidammada Qaranka iyo saaxiibadooda caalamiga ah ayaa lagu dilay mid ka mid ah saraakiisha ugu sarsareysa Al-shabaab.
Hawlgalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Xaramka ee Gobalka Jubbada Dhexe 01-10-2022.
Sarkaal oo lagu magacaabo Cabdullaahi Nadiir ayaa ahaa Madaxa Dacwada ee Shabaab waana mid ka mid ah kuwa ugu qatarsanaa Al-Shabaab.
Horay wuxuu usoo noqday Madaxa Shuurada iyo Maaliyadda, wuxuu ka mid ahaa aasaaseyaasha SHabaab, waana shakhsiga ay Shabaab u diyaariyeen in uu badalo Hogaamiyaha Shabaab, Axmed Diiriye, oo dowladda ay sheegtay in xanuun la jiifo.
“Sarkaalkaan oo madixiisa ay saarnayd lacag ayaa ka mid ahaa kuwa ay sida wayn u doondoonaysay Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah, waxaana ugu dambeyn soo helay sirdoonka qaranka ee Somalia, NISA,dilkiisu waa qodax laga siibay ummadda Soomaaliyeed oo ka nasan doonta dhagartii iyo marin habaabintii uu ku hayay bulshada Soomaaliyeed”,
Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la ciqaabo dembiileyaasha kale ee ku hawlan dhagarta Shacabka Soomaaliyeed.
Dawladdu waxay u umahad celinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah oo wadashaqayntoodu ay fududaysay dilka sarkaalkaan ka tirsanaa Al-shabaab.

