Ciidamadda Dowladda oo Isaga Baxay Deegaanada Moqokori iyo Yasooman

0

Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isaga baxay maanta Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ay dhawaan kala wareegeen Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

Ciidamadda Dowladda ayaa soo baneeyay Deegaanada Moqokori iyo Yasooman ee Gobalka Hiiraan, halkaasoo dhawaan lagala wareegay Al-Shabaab.

Ciidamadda soo baneeyay deeganadaas ayaa saldhigtay degmooyinka Buula-barde iyo Maxaas, iyadoo cabsi xooggan ay soo wajahday shacabkii hore u soo dhaweeyay Ciidamadan.

Dhanka kale Waxaa jira khilaaf u dhexeeya hoggaanada kala duwan ee ciidamadda howlgaaldan wada, taasoo loo aaneenayo iney sabab u tahay ka bixitaanka ciidanka ee Yasooman iyo Moqokori oo mudo dheer saldhig u ahaa Dagaalyahanadda Xarakadda  Al-Shabaab.

Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ayaa la wareegay deeganada ay soo baneeyeen Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa fashil kusoo dhamaaday Waxaa natiijo la’aan dadaalo uu hormuud u ahaa gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo uu ku doonayay inuu ciidamadda ugu qanciyo iney deeganadaasi joogaan, wixii tabasha ah ay qabaanna la xalin doono, walow ay soo dhamaatay mudadii ay saraakiisha ciidamadda u qabteen Cali Jeyte.

Arrintan ayaa dhabar jab ku noqoneysa howlgaaldii ka dhanka ahaa Shabaab, waxaana wal wal la soo darsay dadka shacabka ah ee looga tagay deegaanada ay ciidamadda isaga bexeen, xili hore ay hubka u qaateen iyagoo muujiyay colaada ay u qabaan Shabaab.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here