Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in uu dhaawacmay Afhayeenka Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).
Sida ay baahisay idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida, Afhayeenka Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ku dhaawacmay dagaal shalay ka dhacay deegaanka Ceel-qooxle ee gobolka Hiiraan, kaas oo u dhaxeeyey dadka deegaanka iyo Al-Shabaab.
Sidoo kale waxay warbaahinta ciidamadu sheegtay in dhaawaca Cali Dheere lagu dabiibayo aagga degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo ay isugu tageen Al-Shabaab-kii lagu jebiyey Ceel-qooxle.
Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in dagaalkii ka dhacay deegaanka lagu dilay sarkaal kale oo lagu magacaabo Qoorgaab, ninkaan ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa jabhadaha, gaar ahaan kuwa ka dagaalama gobollada Shabeellooyinka.
Ma jiro ilo ka madax banaan dowladda oo xaqiijinaysa dhaawaca Afhayeenka Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

